mandag, april 29, 2024

Denmark: Wasiiraddii mayalka adkeyd oo hada maxbuus noqon doonto.

Maxkamad kutaal dalka Denmark ayaa 2 bilood oo xabsi ah ku xukuntay Wasiiraddi hore ee socdaalka Denmark Inger Støjberg, ka dib markii lagu helay danbi ah inay khasab u kala fogeysay lamaanayaal soogalooti ah. Arrintaas oo maxkamadu ay sheegtay inay baal marsaneyd sharciga Denmark.


Støjberg ayaa lagu eedeeyay inay bixiyay amar sharci darro ah oo ku saabsan in magangalyo-doonka lamaana ah ineysan isla dagi karin, haddii midkood uu yahay qof aan qaan gaarin oo 18 ka yar yahay. Guddi baaritaan ah oo baarlamaanka Denmark uu saartay ayaa sheegay in xeerkaas uu ahaa mid sharci darro ah, isla markaana xadgudub ku ah heshiiska xuquuqul insaanka.

25 garsoore oo kamid ah kuwa maxkamadda sarre ee dalka Denmark ayaa isku raacay in Inger ay jabisay dastuurka dalka Denmark.

Xigasho/kilde: Danmarks tidligere innvandringsminister Inger Støjberg dømt til fengsel.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x