torsdag, april 25, 2024

41% dadka corona u jiifa isbitaalada, waxey ku dhasheen dalal dibadda ah.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, 41% dadka uu soo ritay xanuunka feyruska koroonaha ee jiifa isbataalada dalkan Norway, ayaa ah dad ku dhashay dalalka dibadda ah. Waxaana tiro ahaan ugu badan dadka ka soo jeeda Poland, sida uu qoray wargeysku.

Sida ay jariiradda Aftenposten qortay tirada dadka ku dhashay  Norway ee jiifa isbitaalka, ayaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay ahayd mid deggan oo uusan isbadal xoogan ku imaan, halka kuwa ku dhashay dalka dibaddiisu ay kor u kaceen tan iyo bishan desember.

193 qof oo la dhigay isbitaalka todobaadkii hore ayaa 79 ka mid ahi ku dhasheen meel ka baxsan Norway. 16ka kuwaas ka mid ah ayaa ku dhashay Poland ayeey jariidaddu qortay.

Xigasho: De uvaksinerte pasientene: På en uke kom 16 polakker inn på sykehus med korona. De fleste er uvaksinert

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x