søndag, april 28, 2024

Waxey tiri mataano ayaan uurkooda leeyahay, si ay Nav lacag dheeri ah u hesho: Maxkamad ayaa la geeyay.

Maxkamada koonfurta gobolka Rogaland ee gobolka Norway ayaa la hor keenay haweenay ku eedeysan inay been u sheegtay hey´addaha dowlada, ayna sameysay dokumentiyo been ah oo muujinaya inay leedahay uurka labo ilmood, si ay lacag dheeri ah uga hesho hey´adda NAV.

NAV oo xiriir la sameysay umulisada haweeneydan la eedeeyay, ayaa markii danbe xaqiijisay inay leedahay uurka hal ilmo ah, halka ay codsiga ay dirtay ku diiwaangalisay inay mataano sugeyso. Waxaa intaas kadib hawneeydan oo 25-sano jir ah lagu eedeeyay inay isku deyday in 85.000 kr oo dheeri ah, aysana xaq u laheyn ay ka hesho hey´adda NAV.

Maxkamada koonfurta gobolka Rogoland ayaa haweeneydan ku xukuntay 30 saacadood oo ciqaab shaqo bulsho, kadib markii lagu helay danbiga lagu eedeeyay.

Xigasho/kilde: Gravid dømt for å ha løyet om antall barn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x