tirsdag, april 30, 2024

Waa wasiirad hore: 700.000 kr oo mushaar ah sababtan awgeed u qaadaneyso, iyada oo aan shaqeynin.

Monica Mæland wasiiraddii hore ee cadaaladda Norway ayaa dhawaan ka shaqo bilowday shirkada qareenada ee Schjødt, laakiin waxaa la saaray lix(6) bilood oo xanibaad ah kahor inta aysan shaqadaas bilaabin. Waxaana sidaas go´aamiyay gudiga dabagalka shaqooyinka wasiiradda iyo xubnaha dowlada ee shaqada ka dhamaatay( Karentenenemnda).

Mudada xanibaada lixda bilood ah ayaa looga dan leenyahay in wasiiradda oo wasiir ka aheyd wasaarad muhiim ah aysan macluumaad ay heshay ama ogaatay xiligii ay wasiirka aheyd oo ay dowlada ka tirsaneyd aysan u adeegsan shaqadeeda cusub.

Gudigan ayaan sidoo kale soo saaray in wasiirad hore Monica aysan mudo 12 bilood ah ka shaqeyn karin wax kiis ah oo si uun xiriir ula yeelan kara wasaaradii ay wasiirka ka aheyd iyo dhamaan hey´addaha kale ee hoos taga.

Wasiiraddan oo xiligii ay xilka wasiirnimo heysay mushaar ahaan u qaadan jirtay 1, 4 milyan kr, ayaa hada dowlada ka heli doonto 700.000 kr lixda bilood ee laga mamnuucay inay bilowdo shaqadeeda cusub. Lacagtaas ayaa ka dhigan in iyada oo aan xilka wasiirnimo heynin, uu usii socon doono mushaarkeedii wasiirnimo, maadaama laga xanibay inay bilowdo shaqadeeda cusub.

Xigasho/kilde: MÆLAND FÅR KARANTENE – OG 700.000 KRONER.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x