søndag, april 28, 2024

UNE oo joojineyso tarxiilka dadka diidmada helay ee loo celin lahaa dalka Ethiopia.

Hey´adda qoxootiga ee UNE ayaa maanta sheegtay in si kumeel gaar ah loo joojiyay dhaqangalnta dhamaan go´aamada tarxiilka ahaa ee la xiriiray in Ethiopia loo celiyo dadka u dhashay dalkaas ee diidmada kama danbeysta ah ka heysta codsiga magangalyada.

Arrintan ayaa lagu sababeeyay hubinti la´aanta ka taagan xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee gudaha dalka Ethiopia. Waxeyna hey´adda UNE sheegtay i xaalada amni ee dalka Ethiopia ay sii xumaatay, kadib marki ay ciidanka jabhada TPLF ay goobo muhiim a h ka qabsadeen dowlada Ethiopia, ayna usoo dhawaadeen caasimadda Adiss ababa. Waxey kale oo xustay in dalka Ethopia uu xiligan ku jiro xaalad heegan guud ah oo la laalay dhamaan shuruucdii dalkaas, dalkana la galiyay xaalad amni oo deg-deg ah.

Go´aanka ay UNE soo saartay ayaa sida ay hey´adaasi sheegtay taabanaya dadka u dhashay Ethiopia ee horey diidmada kama dambeysta ah uga heystay codsiga magangalyada, iyo jawaab ka sugayo codsigooda magangalayada.

Sida ay qortay wakaalada wararka Norway ee NTB waxaa gudaha Norway xiligan ku sugan ilaa 70 qof oo dalka Ethiopia u dhashay, kuwaas oo jawaab ka sugayo codsigooda magangalyada.

Xigasho/kilde: UNE STANSER ALLE RETURER TIL ETIOPIA.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x