tirsdag, april 30, 2024

Sweden: Aabe qirtay inuu mindi galiyay, kadibna dabaq ka tuuray caruur uu dhalay.

Aabe 43 sano jir ah oo lagu eedeeyay dilka labadiisa caruur ah oo uu dhalay ayaa ugu danbeyn qirtay inuu toori galiyay, kadibna uu dabaqa afaraad(4) ka tuuray labadiisa ilmihiisa . Hooyada dhashay caruurtan oo markii hore ay boolisku xireen, ayaa hada xabsiga laga sii daayay, kadib baaritaan ay boolisku sameeyeen.

Labadda(2) caruurta ah ayaa da´ahaan ka yar toban(10) sano sida ay boolisku sheegeen. Waxaa dhaawacooda laga helay guri kuyaal xaafada Hasselby ee magaalada Stocklom.

Booliska ayaa sidoo kale horey u xaqiijiyay in mid kamid ah caruurta laga tuuray dabaqa uu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Waxeyna hada boolisku aabaha dhalay labadaas caruurta ah ku eedeeyeen falal dil iyo isku dey dil ah, waxaana loo taxaabay xabsiga.

Ilaa hada lama oga sababta uu aabahan ubadkiisa uu mindida u galiyay, kadibna uga soo tuuray dabaqa, balse warbaahinta Sweden qaarkeed ayaa qoreyso in aabahan horey loogu ogaa xanuuno kuwa dhimirka ah.

Xigasho/kilde: Faren varetektsfengslet i barnedrap-saken i Sverige.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x