søndag, april 28, 2024

Norway: Muwaadiniinta Norwiijiga ah haka soo baxeen Ethiopia, inta uu garoonku furanyahay.

Dowlada Norway ayaa muwaadiniinta dalkeeda uga baaqday inay isaga baxaan dalka Ethiopia, kahor inta fursadda heystaan.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Anniken Huitfeldt(Ap) ayaa sheegtay in garoonku diyaaraddaha adiss ababa uu furanyahay, ayna dowladu muwaadiniinta Norwiijiga ah ugu baaqayso inay ka baxaan Ethiopia, ayna raacaan duulimaadyada caadiga, inta ay wali fursadaas heystaan.

Warkan ayaa kusoo aaday saacado kadib markii ay isbaheysi sameeyeen dhowr jahbadood oo sheegay inay u midoobeen riditaanka dowlada uu Hogaamiyo reysulwasaaraha dalkaas Aby Ahmed.

Norway ayaa horey muwaadiniinteeda uga digtay inay xiligan u safraan dalalka Ethiopia iyo Suudaan oo ay xaalado cusub kusoo kordheen.

Dowlada Ethiopia ayaa labadii(2) bishan November soo rogtay xaalad deg-deg ah, halka Suudaan ay toban(10) kahor xukunkeeda la wareegeen ciidanka milatariga dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa dhamaan muwaadiniinta Norwiijiga ah ee xiligan ku sugan Ethiopia, ka codsaneyso inay iska diiwaangaliyaan diiwaanka safarka ee wasaaradda arrimaha diabdda Norway (Registrering av reiseinformasjon hos Utenriksdepartementet). Waxeyna ka codsaneysaa inay dhaq-dhaqaaqooda yareeyaan, aysana ka qeybqaadaan wax dibadd bax ah oo dalkaas ka dhaca.

Xigasho/kilde: UD: Ikke reis til Etiopia eller Sudan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x