tirsdag, april 30, 2024

Norway: 2552 qof oo Corona laga helay 24-saac gudahood: Rekord cusub.

24-tii saac ee ugu danbeysay waxaa Norway laga diiwaangaliyay 2552 kiis oo la xiriirta corona feyruus. Tiradaas oo ah tii ugu badneyd ee abid Norway laga diiwaangaliyo, tan iyo markii uu Norway soo gaaray feyruska safmarka ah ee corona.

Xiligan waxaa isbitaalada Norway jiifa oo uu corona soo ritay 218 qof. 52 qof oo kamid ah dadka uu xanuunka soo ritay ayaa jiifa qeybta isbitaalka ee xanuunada daran, halka 33 kamid ah uu ku xiranyahay mashiinka neefta ee «respirator-ka».

Isku cel-celis waxaa todobadii(7) maalmood ee ugu danbeyay Norway corona laga diiwaangaliyay 1760 kiis oo corona maalin walba.

Xigasho/kilde: 2552 smittede registrert siste døgn – norsk døgnrekord.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x