fredag, april 26, 2024

Nooc cusub oo coronovirus oo Yurub soo gaaray

Nooc coronovirus ah oo cusub oo Yurub soo gaaray qaar kamid ah dalalka Yurub. Coronoviruskan cusub oo markii hore lagu arkay dalka Koonfur Africa ayaa hada waxaa lagu arkay dalka Belgiumka oo noqday dalkii ugu horeeyay ee Yurub ah ee nooca cusub laga soo sheego.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Belgiumka oo maanta ka hadlayey xaalada coronovirus ee dalkiisa ayaa xaqiijiyey in markii ugu horaysay laga helay noocaas viruska cusub ah gudaha Yurub. Sidoo kale Raíisul wasaaraha wadanka Belgium ayaa ugu baaqay madaxda reer yurub inay joojiyaan diyaaradaha u kala gooshaya wadamada Yurub iyo Africa. Durba wadamo ay kamidyihiin Germany, Italy, France iyo The Czech Republic ayaa kudhawaaqay inay hakinayaan duulimaadyada ka imaanaya wadanka koonfur Africa iyo Wadamo badan oo Africa ah.

Norway ayaan wali go,aan deg deg ah qaadan, laakiin qiimayneysa xaalada iyadoo laga yaabo in saacadaha soo socdo go´aano ay ka soo saaraan xaaladan kasoo gorortay wadamada yurub iyo xanuunakn cusu bee soo gaaray.

la soco waxii kasoo kordha xaalada coroonaha cusub iyo xanibaadaha laga yaabo in lagu soo rogo isu socodkii dunida oo dhawaan uun dib loo furay.

Xigasho/kilde: Ny koronavariant bekreftet i Belgia.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x