onsdag, april 24, 2024

Nasro & Guuleed: Filimkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee abid taariikhda lagu daawado shaneemooyinka Norway

Isbuucan waxaa magaalada Oslo si hordhac loogu soo bandhigay filimka Guuleed iyo Nasra ee loo garan ogyahay Xaaska xabaal-qodaha. Filimkan oo maalinta jimcaha ah ee isbuucan laga daawan doono shaneemooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalkan Norway ayaa noqonayo filimkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee taariikhda abid lagu daawado shaneemooyinka waaweyn ee Norway.

Filimkan oo lagu jilay dalka Jabuuti ayaa horey loogu soo bandhigay dalal kala duwan, wuxuuna tartan u galay, uguna jiraa ku guuleysiga biladaha filimaanta ugu fiican ee la jilay ee loo yaqaan Oskarka. Filimkan ayaa noqonayo filimkii ugu horeeyay ee soomaali ay alifto, Soomaalina jileyso, isla markaana lagu hadlayo Af soomaali, kaas oo lagu soo bandhigo shaneemooyinka waaweyn ee caalamka.

Filimkan oo habeenkii isniinta iyo Talaadada lagu soo bandhigay Oslo, ayaa waxaa bandhigiisa ka qeybgalay boqolaal qof oo isugu jiray Soomaali iyo dad kaleba. Waxaana muuqatay in xiiso badan loo hayo daawashada filimkan oo ku saabsan qiso muujineyso aabe Soomaaliyeed oo dadaal adag ku bixinayo badbaadinta xaaskiisa oo la ildaran xanuun dilaa ah. Xili uu dhanka kalena la daalaa-dhacayo duruufaha nolosha adag ku geedaaman deegaanka uu ku noolyahay, waxaana filimka loo sameeyay qaab heer sare ah oo u dhiganta hababka loo sameeya aflaanta kale ee caalamka.

Khadar: Guul ayuu ii yahay in fariinta filimka ay gaartay caalamka

Khadar Ceyduruus Ahmed oo ah sameeyaha filimka ayaa warbaahinta NorSom uga waramay dareenkiisa ku aadan qaabka ay dadweynuhu u qaabileen filimkaas(Muuqaalka wareysiga usoo noqo). Wuxuuna sheegay in ujeedada ugu weyn ee filimka uu u sameeyay ay aheyd inuu caalamka iyo Soomaalidaba usoo bandhigo inay jiraan qisooyin soomaali ah oo mudan in la tabiyo, filimina laga sameeyo. Wuxuuna sheegay inuu gaaray qeyb kamid ah ujeedkiisa oo ahaa in filim ay soomaali sameysay, soomaali jileyso, soomaalina lagu hadlayo uu noqon karo mid lagu daawan karo shaneemooyinka caalamka.

Khadar oo marka filimka lagu soo bandhigay magaalada Oslo kadib la hadlay dadweynaha filimka daawashadiisa u imaaday ayaa ka jawaabay su´aalo badan oo la xiriira qisada filimka, waxa ku dhaliyay iyo dhibta uu ka maray sameyntiisa.

Filimka Guuleed iyo Nasra ee Xaaska xabaal-qodaha ayaa habeenka jimcaha ah lagu soo bandhigi doonaa shaneemooyinka magaalooyinka Norway( Hoos ka fiiri sawirka hoose). Hadii aadan ku arkin magaaladaada, waxaad la xiriiri kartaa shaneemooyinka magaalada aad degantahay, iyaga ayaadna weydiin kartaa xiliga uu filimkaas imaanayo magaaladaada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x