lørdag, april 27, 2024

lix(6) qof oo xaley mindiyo lagu qabtay senterka Oslo: Howlgal hub baaris ah.

Booliska magaalada Oslo oo isugu jiro dharcad iyo kuwa labisan ayaa xaley howlgalo hub-baaris ah ka sameeyay senterka magaalada Oslo. Waxeyna sheegeen inay hub ka baareen 940 qof oo senterka magaalada marayay, ayna mindiyo ka heleen lix(6) qof oo kamid ah dadka la baaray.

Lixdan(6) qof ee la qabtay ayay boolisku sheegeen ineysan heysan sabab ay hub magaalada ugu dhex wataan. Waxaana kiisas dacwad ah oo ku saabsan wadashada hub sharci daro ah ka gudbiyay booliska.

Howlgalka ay xalay sameeyeen booliska Oslo ayaa qeyb ka ah dadaalada ay wadeen laamaha amaanka magaalada Oslo, kadib markii ay isbuucyadii lasoo dhaafay soo bateen dilalka iyo danbiyada ka dhaca gudaha magaalada Oslo.

Xigasho/kilde: Stor våpenkontroll i Oslo: Seks tatt med kniv.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x