lørdag, april 27, 2024

Hooyo maseyr dartiis u dishay shan(5) kamid ah caruurteeda oo xabsi daa´in lagu xukumay.

Hooyo 28 sano jir ah oo degan magaalada Solingen ee gobolka Koln ee dalka Germany ayaa lagu xukumay xabsi daa´in, kadib markii lagu helay danbi ah inay dishay shan(5) kamid ah lix(6) caruur ah oo ay dhashay. Caruurta geeriyooday ayaa da´ahaan u dhaxeeyay hal(1) ilaa sideed(8) sano.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in haweeneydan ay caruurteeda markii hore suuxisay, kadibna ay ceejisay ama biyo madaxa u galisay, si ay u geeriyoodaan. Waxaana falkaas ka badbaaday wiilkeeda curadka u ahaa oo ah ilmaha kali ah ee ka haray lixdii(6) caruurta aheyd ee hooyadaas ay heysatay.

Ninkeeda ayay naag cusub ku aragtay:

Danbibaarayaasha kiiskan ee xeer ilaalinta ayaa sheegay in sababta ay hooyadan u dishay ay tahay, inay ninkeeda ku aragtay naag cusub oo saaxiib la noqday. Waxeyna u dirtay fariin ah inuusan dib danbe u arki doonin caruurtiisa.

Booliska ayaa caruurta ka helay sariiraha qolalkooda, waxeyna haweeneydan sheegtay inuu tuug usoo dhacay, uuna tuugaas ku qasbay inuu fariintaas u diro ninkeeda.

Marka ay geeriyoodeen shanta(5) caruurta ah, waxey wiilkeedii weynaa oo ka badbaaday falkaas u dirtay guriga ayeydiis. Kadibna waxey isku dhigtay tareenka, laakiin wey ka badbaaday falkaas ay rabtay inay nafteeda ku disho.

Xigasho/kilde: TYSK KVINNE FÅR LIVSTIDSSTRAFF FOR DRAP PÅ SINE FEM BARN.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x