tirsdag, april 30, 2024

Hadia Tajik: Haweeneyda ugu awooda badan Norway.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Norway, Hadia Tajik ayaa loo codeeyay inay tahay haweeneyda ugu awooda badan dalkan Norway. Waxaana qiimeyntaas sameeyay Wargeyska ka warama arrimaha dhaqaalaha ee Kapital, oo booska koowaad galiyay ee warbixintiisa sanadlaha ah ee haweenka ugu awooda badan Norway galiyay Hadia Tajik.

Hadia ayaa wasiirnimadda ka sokow ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ap, waxeyna sidoo kale noqoneysaa sii hayaha xilka reysulwasaaraha, xiliyada ay maqanyihiin reysulwasaare Jonas Gahr Støre iyo wasiirka maaliyada Trygve Slagsvold Vedum

Hadia oo qoyskeedu ay kasoo jeedaan dalka Pakistan, balse ku dhalatay Norway ayaa noqoneyso haweeneydii ugu horeysay ee asal ahaan ajnabi ah ee loo codeeyo inay booska koowaad kaga jirto haweenka ugu awooda badan.

7-dii sano ee lasoo dhaafay waxaa booska haweeneyda ugu awooda badan Norway heysatay reysulwasaarihii hore ee Norway, Erna Solberg oo hada u dhaadhacday booska 7-aad ee liiska haweenka ugu awooda badan Norway.

Xigasho/kilde: Kapital: Hadia Tajik er Norges mektigste kvinne.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x