søndag, april 28, 2024

Dowlada oo soo jeedisay in isbadalkan lagu sameeyo shuruudaha sharciga degenaanshaha

Wasaaradda cadaaladda Norway ayaa soo jeedisay in isbadal lagu sameeyo shuruudaha laga rabo qofka qaadanayo sharciga degenaanshaha Norway. Waxeyna wasaaraddu soo bandhigtay in meesha laga saaro shuruuda dhanka luuqadda ah iyo aqoonta bulshada ah ee lagu xiro qofka qaadanayo sharciga degenaanshaha Norway.

Qofkii raba inuu sharciga degenaanshaha ka qaato Norway, waxaa xiligan shardi ku ah inuu cadeeyo aqoontiisa luuqadda Norwiijiga iyo mida cilmiga bulshada ee Norway. Shardigaas oo dowladu hada soo jeedisay in meesha laga saaro.

Wasaaradda ayaa sheegtay iney hey´addaha qoxootiga ay soo wajaheen culeys dhanka shaqada ah oo la qiimeynta aqoonta luuqada ee qofka, iyo aqoontiisa cilmiga bulshada. Waxeyna soo jeedisay in la joojiyo shardiga waajibka ka dhigayo in qofku uu cadeeyo aqoontiisa luuqadda iyo cilmiga bulshada, si ay u fududaato in kiisaska codsiyada degenaanshaha laga shaqeeyo.

Wasaaradda ayaa wali qabta in qofku uu qaato saacaddaha luuqada Norwiijiga iyo mida cilmiga bulshada, laakiin meesha laga saaro in qofka lagu xiro shardi ah inuu cadeeyo. Waxaana soo jeedintan loo diray golaha shacabka Norway ee cusub oo kasoo baaraan-dagi doono in la dhaqangaliyo iyo inkale.

Xigasho/kilde: Forslag om å effektivisere saksbehandlingen av søknader om permanent oppholdstillatelse.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x