tirsdag, april 30, 2024

Dowlada oo magacaabeyso «gudiga ragga» ee soo baara dhibaatootiyinka u gaarka ah ragga.

Xukuumadda cusub ee dhawaan la wareegtay talada Norway ayaa magacaabi doonto «gudiga ragga» ee soo baara, xalkoodana soo jeediya dhibaatooyinka u gaarka ah ragga. Waxaa sidaas wargeyska Aftenposten u xaqiijiyay wasiirka dhaqanka iyo sinaanta Norway, Anette Trettebergstuen (Ap)

Wasiiradda ayaa sheegtay in iyada oo laga tixgalinayo sharcinimada dagaalka loogu jiro sinaanta ragga iyo dumarka, inay muhiim tahay in la joogo xiligii laga hadli lahaa dhibaatooyinka u gaarka ah ragga.

Hadalka wasiiradda ayaa kusoo aadey, xili ay munaasadda maalinta ragga aduunka ay kulan la yeelatay ururo dhowr ah oo ka shaqeeyo arrimaha la xiriira sinaanta qeybaha bulshada.

Wasiiradda ayaa sidoo kale wargeyska Aftenposten u sheegta in dhibaatooyinka ragga heysta ee u baahan laga howlgalo ay kamid yihiin: Dadka isdila oo rag u badan, kalinimo, falal danbiyeed iyo wiilal badan oo waxbarashada ku liita. Waxeyna sii raacisay inay rajeyneyso in sidoo kale gudigu uu soo baaro qaabkii ragga loogu soo badin lahaa, xirfadaha ay dumarku ku badanyihiin shaqo ahaan.

Xigasho/kilde: Regjeringen skal nedsette et nytt mannsutvalg som skal se på menns utfordringer..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x