tirsdag, april 30, 2024

Dowlada oo ka fakareyso soo rogista adeegsiga jinsi sadexaad oo ka duwan lab & dhedig.

Dowlada Norway ayaa qiimeyneyso soo rogitaanka adeegsiga jinsi sadexaad oo ka duwan lab iyo dhedig( Nin & Naag), kaas oo qofkii doorto loogu qori karo baasaboorka iyo waraaqaha kale ee aqoonsiga.

Wasiiradda dhaqanka Norway Anette Trettebergstuen(Ap) oo u warantay wargeyska Blikk ayaa sheegtay in qiimeyntan ay gundhig u noqon doonto in dowladu ay qaadato go´aan sharci ahaan lagu ogolaan doono in la adeegsado jinsi sadexaad iyo inkale. Waxeyna sheegtay in qiimeyntu ay waqti qaadan karto, balse ay muhiim tahay in la ogaado cawaaqibta ka dhalan karto arrintaas, kahor inta aan lasoo rogin.

Sida uu wargeysku qoray, hadii lasoo rogo adeegsiga jinsi sadexaad oo ka duwan lab iyo dhedig, waxaa fududaan doonto in qofkii aan dareen ahaan isku arkin inuu yahay nin ama naag midna, uu yeesho doorasho sadexaad oo labadaas aan midna aheyn. Waa sida uu wargeysku qoraye.

Baarlamaanka Norway ayaa ilaa hada diidan in Norway laga ogolaado adeegsiga jinsi sadexaad. Balse waxaa arrintaas horey looga dhaqangaliyay wadamo ay kamid yihiin Mareykanka.

Xigasho/kilde: Trettebergstuen starter utredning av et tredje kjønn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x