tirsdag, april 30, 2024

Dowlada: Dhamaan dadka ka weyn 18 sano waxaa loo fidinahaa talaal 3-aad oo xoojin ah.

Dawladda Norway ayaa qorshaynaysaa in dhammaan dadka 18 sano ka weyn loo fidiyo irbad sadexaad tallaal ah, taas ah mid noqoneyso oo xoojin ah.


Degmooyinka qaarkood ayaa durba bilaabay in ay irbad xoojin ah oo ah tallaalka koroonaha siiyaan dadka 65 sano ka weyn.
Dawladda ayaa sidoo kale qorshaynayso in dhammaan dadka u dhexeeya 18 iyo 64 sano sannadka dambe loo fidiyo irbad xoojin ah, marka ugu yaraan 6 bilood laga joogo markii qofku qaatay irbaddii labaad.


– Tallaalku waa waxa ugu muhiimsan ee aynu iskaga difaaci karno koroonaha. Cudurku wuu jiri doonaa sannadaha soo socda, waanay jiraan waxyaalo badan oo aynu samayn karno si looga hortago in fayrusku faafo, laakiin si kastaba waynu u baahan nahay difaaca laga helayo tallaalka.
Dawladdu waxay qaadatay talada Machadka Caafimaadka Dadweynaha, waxaanay markaa qorshaynaysaa in dhammaan dadka 18 sano ka weyn loo fidiyo irbad xoojin ah, ayuu yidhi raysalwasaare Jonas Gahr Støre.


Is-qaadsiinta cudurka ayaa hadda ku soo badanaysaa meelo badan oo waddanka ka mid ah, waxaana weyn culayska ku yimi adeegyada caafimaadka. Marka is- qaadsiinta cudurku ku badato bulshada dhexdeeda waxaa sii badan kara dadka si daran ugu xanuunsada cudurka. Tallaalladu si boqolkiiba 100 ah ma inaga difaacayaan in lagu bukoodo cudurka, islamarkaana difaaca dadka gaboobay ka helaan tallaalku wuu ka yar yahay inta dadka kale.


– Irbad xoojin ah oo dadka waaweyn la siiyo waxay gacan ka geysan kartaa xoojinta ka difaacnaanta in lagu bukoodo cudurka iyo yaraynta isu gudbinta cudurka. Laakiin waxa loo baahan yahay in arrintan loo yeesho aqoon dheeraad ah. Taas darteed waxannu Machadka Caafimaadka Dadweynaha ka codsanay in ay si socota u qiimeeyaan faa’idada iyo khatarta dadka waaweyn uga imanaya in ay qaataan irbad xoojin ah, ayay tidhi Ingvild Kjerkol oo ah wasiirka caafimaadka iyo daryeelka.

Qiimaynta Machadka Caafimaadka Dadweynuhu samaynayo waxa ay ku saabsanaan doonaan xaaladda faafidda cudurka, culayska ka imanaya cudurka iyo aqoonta cusub. Machadka Caafimaadka Dadweynaha ayaa soo saari doonaa tilmaamo ku saabsan xilliga irbad xoojin ah loo fidin doono dadka u dhexeeya 18 iyo 64 sano, iyo in loo baahan karo in wax laga beddelo talooyinka.


Waxa hore loo go’aamiyay in dadka difaaca jidhkoodu hooseeyo loo fidiyo irbad saddexaad oo tallaal ah, iyo in dadka ka weyn 65 sano iyo shaqaalaha caafimaadka la siiyo irbad xoojin ah.


Dad badan oo ka mid ah dadka u dhexeeya 18-64 jir weli lix bilood kama soo wareegin markii ay qaateen irbaddii labaad. Ka hor intaan degmooyinku irbad xoojin ah u fidinin kooxdan, waa in ay mudnaanta siiyaan dadka qaadanaya irbadaha koowaad iyo labaad, dadka difaaca jidhku hooseeyo ee irbad saddexaad qaadanaya, iyo irbadda xoojinta ah ee la siinayo dadka jira 65 ama ka wayn iyo shaqaalaha caafimaadka. Waxa isna jira tallaalka hargabka.

Xigasho/Regjeringen.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x