søndag, april 28, 2024

Dhakhtar suuxiyay, kadibna fara-xumeeyay qof bukaan ah oo shan(5) iyo bar xabsi ah la xukumay.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa shan(5) sano iyo lix(6) bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin dhakhtar ah oo lagu helay danbi ah inuu suuxiyay, kadibna fara-xumeeyay haweenay kamid aheyd bukaanada uu dhakhtarka u yahay.

Xeer ilaalinta ayaa ninkan ku eedeeyay in ay u timid haweeneydan oo uu dhakhtarkeeda gaarka ah ahaa, iyada oo ka rabtay talo bixin daaweed iyo inuu u qoro warqada fasaxa xanuunka(sykemelding). Xiligaas oo ay haweeneydu kujirtay xaalad adag. Balse dhakhtarka ayaa isaga ka faa´iideysanayo booskiisa shaqo suuxiyay haweeneydan, kadibna jinsi ahaan fara-xameeyay, una geystay jirdil.

Falkan ayaa sanadkii 2018 ka dhacay xafiiska ninkan dhakhtarka oo kuyaal magaalada Oslo.

Maxkamada ayaa ninkan ku heshay inuu jabiyay dhowr sharci oo kuwa caafimaadka iyo xirfadaha kalsoonida ku dhisan ah, isaga oo si qaldan uga faa´iideystay awoodiisa xirfadeed iyo kalsoonida ay ku qabtay haweeneydan uu dhakhtarka u ahaa.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu helay danbi ah inuu jabiyay xeerka shaqada ee howl-wadeenada caafimaadka, kaas oo waajib uga dhigayay inuu guto waajinaadkiisa shaqo, si waafaqsan sharciga iyo aqoontiisa xirfadeed ee caafimaad, uuna qofka bukaanka ah siiyo caawin dhab ah.

Maxkamada ayaa dhanka kale ogaatay in ninkan uu lumiyay leysinkii dhakhtarnimo sanadkii 2019.

Xigasho/kilde: Fastlege dømt til fem og et halvt års fengsel for voldtekt.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x