mandag, april 29, 2024

Degmada Fredrikstad oo jaaliyada Soomaaliyeed u ogolaatay iibsiga dhul masaajid laga dhisayo.

Golaha deegaanka magaalada Fredrikstad ayaa isbuucii lasoo dhaafay ansixiyay dhismaha masaajid ay leeyihiin jaaliyada soomaaliyeed ee kunool magaaladaas. Waxaana ansixinta go´aankaas uu dood xoogan ka dhaliyay golaha deegaanka masaajidkaas, iyada oo ay jireen xisbiyo si xoogan uga soo horjeeday in dhulkaas masaajid laga dhigo.

Warbaahinta NorSom ayaa arintaas ka wareysatay xildhibaan Muxyidiin Cabdi oo katirsan golaha deegaanka magaalada Fredrikstad.

Waxaa xusid mudan in golaha deegaanka magaalada Fredrikstad ay katirsanyihiin afar xildhibaan oo soomaali ah, kuwaas oo howsha anxinta dhismaha masaajidka si fiican uga qeybqaatay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x