tirsdag, april 30, 2024

(Daawo) Lamaanaha Colow & Yabarow: Aqoontii aan Muqdisho kala nimid, ayaan Norway kaga shaqeynaa.

Dad badan oo soomaali ah ayaa marar badan ay qabsadeen caqabado la xiriira inay shaqo ku heli waayeen, ama loo aqoonsan waayay waxbarash ay kala imaadeen dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Caqabadahaas waxey mararka qaarkood sababaan in dad badan ay aaminaan in waxbarashada Soomaaliya lagu soo qaato, aysan ka shaqeyn karin Norway ama aan laga aqoonsaneyn.

Cabdulaahi Yabaroow waa khabiir shaqo oo katirsan xafiiska NAV ee bergen, waxa uuna xafiiska hey´adda shaqada ee NAV u shaqeynayay mudo 10 sano gaareyso. Sidoo kale Drs. Khadiijo Coloow waa dhakhtar ka shaqeeyo isbitaalka Haukeland ee magaalada Bergen.

Cabdulaahi iyo Khadiijo oo sheekadooda aad ka daawan karto muuqaalka hoose, waxey Norway ku heystaan shaqooyin dhameystiran oo sarre iyaga oo adeegsanayo aqoontii iyo waxbarashadii ay Soomaaliya kala imaadeen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x