søndag, april 28, 2024

Booliska: Walaalihii ku eedeysnaa dilka Xamse oo aan wali lasoo qaban.

Sida uu qoray wargeyska VG, Booliska Norway ayaan wali ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan labadii nin ee walaalaha ahaa ee boolisku ay ku eedeeyeen inay ka danbeeyeen ama lug ku lahaayeen dilka A.H.U Hamse Xaashi Aadan oo ahaa 20 jir soomaali ah bil kahor lagu dilay magaalada Oslo.

Booliska ayaa sheegay in warbixinta raggan loo gudbiyay dhamaan hey´addaha booliska caalamka, ayna qabashadooda kala shaqeynayaan dhowr wadan oo aysan sheegin dalalka ay yihiin. Waxeyna sheegeen inay boolisku fikir ka heystaan meesha ay raggan xiligan ku suganyihiin.

Labadan nin ee walaalaha ah, horeyna loogu xukumay danbiyo la xiriira argagaxiso ayaa ku eedeysan inay qeyb ka qaateen ama fuliyeen dil 7-da bishii October xaafada Mortensrud ee magaalada Oslo loogu geystay Xamse oo 20 sano jir ahaa. Waxeyna boolisku horey u sheegeen inay dalka ka baxsadeen sagaal(9) bishii October, labo maalin kadib marka uu dhacay falka dilka ah, ayna diyaarad u qaateen dalka Kosovo.

Booliska Kosovo ayaa horey u sheegay inay xiriir lasoo sameeyeen booliska Norway oo dalbaday in nimankaas walaalaha dib loogu soo celiyo Norway oo ay eedeysanayaal ka yihiin.

Dhanka kale booliska ayaan ilaa hada bixin wax faah-faahin ah oo ka dhaxeeyo Xamse iyo nimanka ku eedeysan dilkiisa, ama inay dhiibaan faah-faahin kale oo la xiriirta falkan oo argagax aad u weyn ka riday magaalada Oslo.

Xigasho/kilde: DRAPSSIKTEDE BRØDRE FORTSATT PÅ FRIFOT.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x