søndag, april 28, 2024

Booliska Oslo oo qof mindi watay ku dilay Xaafada Bislet.

Booliska magaalada Oslo Ayaa maanta xaafada Bislet ku dilay min watay mindo oo sida dad goob-joobayaal ah ay sheegeen mindada ku ceyrsanayay qof dumar ah. Booliska Ayaa markii hore ninkan ku dhuftay baabuur, kahor inta aysan xabaddo ku ridin. Waxeyna boolisku sheegeen in ninkan uu markii danbe u geeriyooday dhaawacyadii kasoo gaaray xabaddaha booliska.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada Iyo warbaahinta Ayaa muujinayo nin feero-qaawan oo gacanta ku wato mindi Dheer, kaas oo Jidka dhexdiisa ku ordaya. Wuxuuna ku qeylinayay ereyo ay dad goob-joogayaal ah sheegeen inay ahaayeen luuqad aan Norwiiji aheyn.

Booliska ayaan ilaa hada wax faah-faahin ka bixin Iyo macluumaadka ninka ay boolisku dileen. Waxeyna sheegeen in warbixinta kiiskan ay la wadaageen hey´adda sirdoonka Norway Iyo wasiiradda cadaaladda.

Wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Mann skutt og drept av politiet i Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x