lørdag, april 27, 2024

Booliska: Baasaboorkaaga hubi, hadii uu safar kuu qorsheysanyahay.

Booliska Norway ayaa dadka raba ama uu u qorsheysanyahay safar dibadda ah ka codsanayo inay hubiyaan xiliga uu dhacayo baasaboorkaaga, ayna dalbadaan mid cusub hadii uu soo dhowyahay xiliga dhicitaanka baasaboorka uu qofku hada heysato.

Booliska ayaa arrintaas u codsanayo in laga sii hordhaco in saf dheer oo laga maarmi karo uu ka abuurmo xiliyada sugitaanka cusbooneysiinta baasabooradda, gaar ahaan marka uu soo dhawaado xiliyada fasaxyada ee xagaaga(sommerka).

Booliska ayaa aaminsan in dad badan oo safar u qorsheynaa sanadii lasoo dhaafay, aysan bixin xanuunkii corona awgiis. Sidaas darteed ay jiraan kumanaan qof oo guryaha ku heysto baasaboor dhacsan ama uu dhowyahay xiligii uu dhici lahaa. Arrintaas ay abuuri karto inuu dheeraado safka sugitaanka, hadii dadkaas oo dhan ay halmar soo wada codsadaan cusbooneysiinta baasaboorka.

Bartooda internetka ee Politiet.no ayay kusoo qoreen codsi ku socdo dadka ku fakaraya ama uu u qorsheysanyahay safar dibadda ah inay hubiyaan baasaboorkooda, ayna codsadaan cusbooneysiin kahor inta aan la gaarin xiliyada fasaxa uu soo dhawyahaya ee bilaha Maarso iyo April, xiligaas oo safar badan uu ka jiro sugitaanka balanta cusbooneysiinta baasaboorka.

Xigasho/kilde: Skal du reise utenlands neste år? Da bør du sjekke passet ditt!.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x