søndag, april 28, 2024

Ap oo Sp oo siyaadda soo galootiga xulafeysi kula sameynayo Frp.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, xisbiyada hogaaminaya xukuumadda cusub ee la wareegtay talada dalkan Norway ee Sp iyo Ap, ayaa xulufeysi la sameysanayo xisbiga Frp iyo xisbiyada kale ee midigta, si ay usii joogteeyaan siyaasadda ajaaniibta ee Norway lagu dhaqayay sanadihii ugu danbeeyay.

Labadan(2) xisbi ayaa sheegay inay muhiim tahay in siyaasadda soo galootiga iyo qoxootiga Norway ay noqoto mid xasiloon oo heshiis waafi ah lagu wada-yahay, ayna ku mideysanyihiin inta badan xisbiyada kujiro baarlamaanka Norway. Waxeyna sheegeen inay rabaan inay ku shaqeeyaan siyaasad soo galooti oo taageero fiican ku heysato baarlamaanka, sidaas darteedna ay xulufeysi arintaas ku saabsan la sameynayaan dhamaan xisbiyada, gaar ahaan kuwa midigta oo uu kujiro xisbiga Frp.

Labadan xisbi ayaa u muuqdo inay dhabarka u jeedinayaan xisbiga SV oo horey taageero xoogan uga baahanyihiin, si ay u meelmariyaan miisaaniyada dowlada oo dhawaan baarlamaanka cod looga qaadi doono.

Arrintan ayaa waafaqsan jawaabtii uu reysulwasaaraha cusub ee Norway, Jonas Gahr Støre siiyay warbaahinta NorSom News, intii lagu gudo jiray ololihiii doorashada. Wuxuuna xiligaas sii sheegay in siyaasadda soo galootiga Norway aysan iska badali doonin wax weyn, hadii ay guuleystaan xisbiyada bidixda. Hoos ka daawo

Xigasho/kilde: Ap og Sp vil invitere Listhaug med på å lage ny asylpolitikk.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x