søndag, april 28, 2024

101 qof oo qoxooti ah oo bishii september qaabkan farsameysan kusoo galay Norway.

101 qof oo magangalyo doon ah oo katirsan qawmiyada muslimka ah ee Uyghurs ee dalka Shiinaha ayaa bishii September magangalyo soo weydiistay dalkan Norway. Waxeyna aheyd tiradii ugu badneyd ee qoxooti qawmiyadaas katirsan oo hal bil iska soo dhiiba dalkan Norway.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten 101-kaas qof ee Norway magangalyada weydiistay, ayaa dalka kusoo galay qaab farsamo ah oo aan horey looga fakarin. Waxeyna dowlada Norway oo ku baraarugtay wadadaas fudud ee Norway lagu imaan karo ku qasabtay inay amar siiso diyaaradda Norwegian oo ay dadkaas ku imaan jireen.

Turkiga-Norway-Serbia:

Tiro aad u badan ah oo kamid ah qawmiyada Uyghurs ayaa xiligan kunool dalka Turkiga, kadib markii ay kasoo qaxeen cadaadiska iyo xadgudubyada uga imaado dowlada Shiinaha oo ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan. Waxeyna dadkaas oo heysta baasabooro Shiinees ah sheegeen inay ka cabsi qabaan in Turkigu uu dib ugu celiyo dalka Shiinaha oo ay awalba kasoo qaxeen, maadaama uu isfahan fiican ka dhaxeeyo dowladaha Turkiga iyo Shiine.

Dadkan oo raadinayo wado ay magangalyo ku weydiistaan dalalka Yurubta galbeed ayaa helay wado fudud oo ay Norwey ku imaan karaan. Waxeyna ogaadeen in diyaaradda Norwegian ay tagto caasimadda dalka Serbia ee Beograd, taas oo taraansit kusii martaa magaalada Oslo.

Qofka heysto dhalashada Shiinaha ayaan u baahneyn wax fiiso ah, si uu u tago dalka Serbia. Wuxuuna kaliya u baahanyahay inuu heysto tigid diyaaradeed.

Magangalyo doonayaashan ayaa fahmay in hadii ay goostaan tigidka duulimaadka diyaaradda Norwegian ee Beograd-Serbia, ay diyaaradda uga tagi karaan Oslo oo ay Taraansit kusii tahay. Ayna iska dhiibi karaan garoonka diyaaraddaha magaalada Oslo.

101 qof oo katirsan qawmiyadaas ayaana hal bil gudaheed sidaas kusoo galay, magangalyana ku weydiistay Norway. Waxeyna marka ay diyaaraddu mareyso Oslo, iska diiwaangaliyeen xarunta booliska ee garoonka diyaaraddaha. Iyaga oo sheegay inay yihiin magangalyo-donayaal.

Dowlada Norway oo markii danbe ku baraarugtay qaabkaas ay dadku ku imaan karaan Norway, ayaa amar siisay diyaaradda Norwegian ineysan soo qaadi karin qof ujeedkiisu uu yahay inuu magangalyo ka codsado Norway. Wuxuuna albaabku ka xirmay tobanaan kale oo qof oo qorsheyay inay qaabkaas kusoo baxaan.

Xigasho/kilde: 101 migranter fant en skjult rute inn til Norge. Da Altunay skulle prøve, var den blitt stengt..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x