lørdag, mai 4, 2024

Soomaali-Norwiiji kamid ah masuuliyiinta UN-ka ee Ethiopia ay amartay inay dalkeeda ka baxaan.

Dowlada Ethiopia ayaa shaley amartay in dalkeeda ay mudo 72 saac ah kaga baxaan 7 masuul oo katirsan hey´addaha qaramada midoobay ee ka howlgala dalka Ethiopa. Dowlada Ethiopia ayaa masuuliyiinta katirsan Q.M ku eedeysay inay faraha kula jireen arrimo ka baxsan shaqadood oo ku saabsan gudaha Ethiopia.

Sida uu qoray NRK, waxaa todobaas masuul ee Ethiopia laga bixiyay kamid ah Saeed Hersi oo ah soomaali heysto dhalashada dalkan Norway, ahna gudoomiye ku xigeenka xafiiska gargaarka qaramada midoobau ee OCHA.

Saeed oo NRK la hadlay ayaa sheegay in isaga oo Dubai fasax u joogo ay soo gaartay fariinta ah inuu dalka baxo. Hadana uu sugayo in arrintaas ay heshiis ka gaaraan Q.M iyo dowlada Ethiopia, si uu ugu noqdo shaqadiisa.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide ayaa dowlada Ethiopia ka dalbatay inay si degdeg ah uga noqoto go´aanka dalka looga saaray shaqaalaha iyo madaxda Q.M ee ka howlgala Ethiopia. Waxeyna sheegtay in Q.M iyo hey´addaheedu aysan ku dhex milneyn arrimaha gudaha Ethiopia, uuna go´aanka dowlada dalkaas uu saameynayo bulshada nugul ee dalkaas kunool.

Xigasho/kilde: NORDMANN BLANT DE UTVISTE FN-ANSATTE I ETIOPIA.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x