fredag, april 26, 2024

Qof(1) loo qabtay, iyo labo(2) oo loo raadinayo dilkii AHU Xamse Xaashi Aadan.

Booliska magaalada Oslo ayaa labo(2) isbuuc oo ay wadeen baaritaan xoogan kadib sheegay inay hal(1) qof usoo qabteen dilka A.H.U Xamse Xaashi Aadan oo ahaa 20 jir soomaali ah oo labo isbuuc kahor lagu dilay xaafada Mortensrud ee magaalada Oslo. Qofka ay boolisku qabteen ayaa la sheegay inuu lug ku lahaa dilka loo geystay Xamse, waxaana laga qabtay xaafada Grønland ee Oslo.

Marka laga tago qofka ay boolisku qabteen, waxey dacwad eedeyn ah kusoo oogeen labo(2) qof oo aysan wali hey´addaha amnigu gacanta kusoo dhigin. Booliska ayaa aaminsan in labadaas qof ay dalka ka baxsadeen, kuna suganyihiin dibadda. Waxeyna sheegeen in warbixintooda loo gudbiyay hey´addaha booliska caalamka, si Norway gacan looga gacan-siiyo in labadaas qof gacanta lagu soo dhigo.

Shir jaraa´id oo ay boolisku qabteen shaley oo jimce ah, ayay ku sheegeen in labada qof ee aan wali gacanta lagu soo dhigin ay ku eedeysanyihiin eedeyn la xiriirto danbi dil ah iyo/ama ka qeybqaadasho fal dil ah. Halka qofka la qabtay uu ku eedeysanyahay ku lug lahaansho falka dilka ah ee loo geystay marxuumka geeriyooday.

Sadexda qof ee ilaa hada falkan dilka ah lala xiriirinayo ayaa sadexduba ah dad ay boolisku horey aqoon ugu lahaayeen.

Booliska ayaan wali wax faah-faahin buuxdo ah ka bixin qaabka uu falkan u dhacay iyo sababta keentay in la dilo marxuumka soomaaliga ah ee geeriyooday. Waxeyna mar walba oo su´aal laga weydiiyo arrintan sheegayaan in baaritaanku uu wali socdo.

Xigasho/kilde: Tre personer er siktet for Mortensrud-drapet- én person er pågrepet-

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x