fredag, april 26, 2024

Oslo: Isaga oo TAXI wado, ayuu dhinaca kale NAV 200.000 oo dagpenger ah ka qaatay= Xabsi

Maxkamada Oslo ayaa 60 maalmood oo xabsi ah iyo labo(2) sano oo tijaabo ah ku xukuntay nin taksiile ah oo lagu eedeeyay, in isaga oo shaqeynayo uu dhanka kale NAV ka qaadanayay lacagta Dagpengerka ee la siiyo dadka shaqada ka fadhiya xanuun ama dhaawac awgiis.

Sida uu qoray wargeyska Avisa Oslo oo soo xiganayo xukunka maxkamadda, ninkan ayaa mudadii u dhaxeysay September 2015 ilaa April 2016 NAV u xareynayay kaarka meldekort-ka, isaga oo diiwaangaliyay inuusan wax shaqo dakhli kasoo gali ah uusan xiligaas qaban. Wuxuuna mudadaas NAV ka helay lacag Dagpenger ah oo gaareyso 198.768 kr.

Gadaal danbe waxaa kasoo baxday in ninkaas uu xiligaas uu magaalada Oslo ku dhex waday Taksi, uuna shirkado Taxi oo kala duwan u shaqeeyay 1.586 saacadood.

Ninkan ayaa markii ay NAV hordhigtay arrintaas qirtay qaladka uu sameeyay, wuxuuna ogolaaday inuu soo gudo lacagtii uu sida aan sharciga aheyn ku qaatay. Balse NAV ayaa kiiskaas u gudbisay hey´addaha xeer ilaalinta oo ninkaas maxkamad la tiigsaday.

Taksiilaha la xukumay ayaa sheegay in xiligaas uu labada(2) isku qaadanayay uu u baahnaa lacag dheeri ah, maadaama uu u dhashay ilmo cusub, uuna noqday aabe.

Maxkamada Oslo ayaa ninkan hada ku xukuntay lixdan(60) maalmood oo xabsi, waxaana laga qafiifiyay xukunka xabsiga maadaama xiliga uu danbiga geystay iyo xiliga kiiska maxkamada la keenay uu u dhaxeeyo waqti aad u dheer.

Xigasho/kilde: Samtidig som mannen kjørte taxi i Oslo, fikk han utbetalt 200.000 i trygd av Nav.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x