søndag, mai 5, 2024

Norway: Dad dhintay iyo dhowr qof oo dhaawac ah: Nin falaar iyo qaanso dad ku laayay.

Nin ku hubaysan qaanso iyo leeb ayaa dad laayey Kongsberg. Dad ayaa dhintay halka kuwo kalana dhaawacmeen sida boolisku xaqiijiyey kadib markii nin weerar ka gaystay magaalada Kongsberg.

Waxaa la hawl geliyey laaamaha amaanka ee magaaladaad. PST ayaa iyaduna qayb ka ah howlgalkan.

Laamaha caafimaadka ayaa iyaguna gurmadka qayb ka ah, cusbitaalada Oslo universitetssykehus iyo Drammen ayaa iyagana diyaar garaw la geliyey.

Degmada ka tirsantahay magaalada Kongsberg ayaa iyadana xaalad deg deg ah lagu soo rogay.

Galabta abaro 18.30 ayaa Booliska lagu soo war geliyey in nin kuhubaysan qaanso iyo leeb uu dad ku toogtay halkaasi. Boolisku waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeeen qofkii falka gaystay, mana bixin ilaa hada xog dheeriya oo kusaaabsan qofkaaas falka gaystay.

Waxay kaloo sheegeen in inta ilaa hada ay falka ka ogyihiin uu ninkaas ku koobanyajay weerarku ayna gacanta kuhayaan.

Wixii Warar ah Ee arintan kusoo kordha, dib Ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x