fredag, april 26, 2024

Jonas Gahr Større oo si rasmi ah ula wareegay furaha xafiiska reysulwasaaraha Norway.

Gudoomiyaha xisbiga Ap Jonas Gahr Større ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah ula wareegay furaha xafiiska reysulwasaaraha Norway, wuxuuna xilkii reysulwasaarinimo kala wareegay Erna Solberg oo 8-dii sano ee lasoo dhaafay xafiiskaas ku shaqeyneysay.

Solberg oo shaley gudbisay warqada xil ka dagista ayaa u hanbalyeysay reysulwasaaraha cusub, waxeyna u rajeysay guul iyo shaqo wacan. Halka reysulwasaaraha xilka la wareegay ee Jonas Gahr Større uu dhigiisii hore uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran.

Gole wasiiro oo cusub:

Reysulwasaaraha cusub ayaa saaka barqadii soo bandhigay xubnaha golihiisa cusub, kuwaas oo ka kooban xisbiyada Ap iyo Sp. Magacaabistan ayaa daba socoto kadib markii shaley labadaas xisbi ay soo bandhigeen heshiis wadajir ah oo ay kusoo bandhigeen siyaasadda ay rabaan inay dalka ku maamulaan afarta sano ee socoto. Balse waxey taageero uga baahanyihiin xisbiyada bidixda, si ay u helaan awood ay kuraasta dowlada kusii fadhiyaan.

Reysulwasaaraha cusub ayaa maalintiisii koowaad ee shaqada la kulmay dhacdo xanuun badan, kadib markii magaalada Kongsberg lagu dilay shan qof, dilkaas oo loo adeegsaday qaanso iyo falaar. Wuxuuna isla maantaba qabtay shir jaraa´id oo uu uga hadlayo xaaladda cusub ee soo korortay. Isaga oo raaciyay inuu booqasho ku tagi doono magaalada Kongsberg ee uu falka dilka ah ka dhacay.

Xigasho/kilde: Jonas Gahr Støres regjering utnevnt.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x