lørdag, mai 4, 2024

Faransiiska oo kalabar yareyn doono fiisayaasha lasiiyo dalalkan Afrika ah.

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay dhimi doonto fiisayaasha ay horey usiin jirtay dadka kasoo jeedo wadamo Africa ah oo ay kamid yihiin Algerie, Marokko iyo Tunisia.

Madaxwaynaha dalka Faransiska Emmanuel Macron ayaa amar ku bixiyey in fiisayaasha lasiinayo wadamada aan kor ku soo sheegnay ladhimo kala bar tirada sanadkii 2020 dadka kasoo jeeda wadamadaas lasiiyey. Taas oo ka dhigan in labadii qof ee kasta ee fiisa codsada mid kamida aan lasiin doonin.

Faransiiska ayaa ku eedaysay dalalkan ay horey usoo gumeysatay inay diideen aqbalaada dadka dalalkooda kasoo jeeda ee sida sharci darada ah kusoo gala faranskiiska.

Afhayeenka dowlada Faransiiska Gabriel Attal ayaa mar uu lahadlay warbaahinta Europe 1 sheegay inay arintani tahay go´aan aad u adag, laakiin ay tahay laga maarmaan, maadaama wadamadaasi ay diideen inay qaataan muwaadiniinta dalalkaas kasoo jeedo in dib loogu celiyo dalkoodii marka ay qaab sharci daro ah kusoo galaan ama ku joogaan gudaha faransiiska.

Sida ilo kale laga soo xigtay go´aankan ayuu Emmanual qaatay kadib markii uu bil kahor ku guuldareystay cadaadis uu isku dayay inuu saaro madaxda dalalkaas, si ay dib ugu qaataan muwaadiniintooda sharci darada ku joogo Faransiiska.

Xigasho/kilde: Frankrike strammer inn visumtilgang for afrikanere.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x