fredag, april 26, 2024

Sp oo albaabada u furay inay xukuumad la dhistaan SV.

Xisbiga SP oo ah xisbiga guusha ugu weyn ka keenay doorashadii baarlamaanka dalkan Norway, ayaa ugu danbeyn albaabada u furay inay kamid noqdaan xukuumad ka kooban xisbiyada Ap, SV iyo Sp.

Sp oo markii hore ku adkeysanayay inay rabaan xukuumad ka kooban Ap iyo Sp ayaa hada sheegay inay u furanyihiin qiimeynta inay la shaqeeyaan xisbiga SV oo siyaasad ahaan si uga aragti duwan xisbiga Sp oo inta badan difaaca danaha dadka beeraleyda iyo xoolaleyda ah ee kunool deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyn.

Sadexdan xisbi ayaa hada u fariisan doono wada-xaajoodyo ay uga doodayaan heshiiska maanifeestada wada-shaqeynta dowlad ay soo dhistaan.

Sadexdan ayaa isku dar heysta aqlabiyad ay ku maamulaan Norway afarta sano ee soo socda.

Xigasho/kilde: Sp åpner for sonderingssamtaler med SV og Ap.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x