fredag, april 26, 2024

Reysulwasaare Erna Solberg: Hanbalyo Jonas G. Støre

Reysulwasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, ahna gudoomiyaha xisbiga Høyre ayaa hanbalyo y dirtay musharaxa kula tartamayay xilka reysulwasaare ee Jonas Gahr Støre. Waxeyna reysulwasaaruhu qirtay in xisbiyada isbaheystay ee mucaaradka ah ay ku guuleysteen doorashada, sida ka muuqato natiijada hordhaca ah ee ilaa hada la tiriyay.

Reysulwasaaraha oo dhawaan hadli doonto, ayaa sheegtay in xisbigeedu uu natiijo aan wanaagsaneyn ka keenay doorashada. Balse waxey raacisay in ilaa hada aan la ogaan karin waxa ay ku dhamaan doonto natiijada doorashada oo wali tirinteeda la wado.

Wixii warar ah ee soo kordha nala socda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x