fredag, april 26, 2024

MD Farmaajo oo hanbalyo u diray Jonas Gahr Støre

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa fariin tahniyad ah usoo diray gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Støre oo dhawaan noqon doono reysulwasaaraha dalkan Norway.

Farmaajo ayaa dowlada Norway ugu hanbalyeeyay doorashadii dhawaan dhacday oo uu sheegay inay ku dhamaatay qaab guul ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale fariintiisa qoraalka ah ku sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Norway uu ka dhaxeeyo xiriir ku dhisan iskaashi iyo isqadarin, uuna rajeynayo in reysulwasaaraha ee Norway loo doortay uu soo wadi doono adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan kala faa´iideysiga labada wadan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x