fredag, april 26, 2024

Beri waxaa si rasmi ah loo furi doonaa Norway: Xeerarkan ayaa la joojiyay.

561 maalmood kadib, dowlada Norway ayaa maanta ku dhawaaqday in laga bilaabo beri oo sabti ah si rasmi ah loo furi doono Norway, la qaadi doono inta badan xayiraadihii Corona, dadkuna ay dib ugu noqon doonaan nolol maalmeed caadi ah.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa sheegtay in mudo dheer kadib, hada la joogo xiligii dib loogu noqon lahaa nolol maalmeed caadi ah. Waxaana la qaadi doonaa xeerarkii adkaa ee corona.

Reysulwasaaraha iyo wasiirka caafimaadka ayaa si ay u muujiyaan isbadalka la filayo isa siiyay hab, iyaga oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad.

Furitaanka dalka ayaa ka dhigan in:

  • 561 maalmood kadib oo lagu hoos noolaa xeerarka Corona, hada si rasmi ah loo furi doono dalka.
  • Beri oo sabti ah, saacada 16:00 waxaa la qaadi doonaa inta badan xeerarkii corona.
  • Waxey ka dhigantahay inay kusoo booqan karaa inta qof ee aad rabto.
  • Uma baahnid inaad hal mitir ka fogaato dadka kale.
  • Waxaad tagi kartaa koobaha caweysyada iyo baararka xiliga aad barto, gaar ahaana xiliyada danbe ee saqda dhexe.
  • Waa inaad wali dhaqdaa gacmaha, aadna guriga joogtaa hadii aad xanuunsantahay.

Xigasho/kilde: Norge gjenåpnes lørdag klokka 16.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x