torsdag, april 25, 2024

Oslo oo laga mamnuucay adeegsiga baaskiilka korontada ku shaqeeyo ee xiliga habeenkii.

Dowlada hoose ee magaalada Oslo ayaa soo saartay go´aan ay ku mamnuuceyso in xiliga habeenkii ah la adeegsado baaskiilada la kireeyo korontada ku shaqeeyo ee loo yaqaan el-sparkesykkel.

Go´aankan oo dhaqangalkiisu uu bilaabanayo shanta(5) bisha soo socoto August ayaa mamnuucayo in baaskiiladaas lagu dhex adeegsado magaalada Oslo xiliga habeenkii, inta u dhaxeyso saacadaha 11:00 PM(fiidnimo) ilaa 5 AM(ariirnimo).

Adeegsiga baaskiiladan oo aad usoo batay bilihii ugu danbeeyay ayaa sida ay dhakhaatiirka magaalada Oslo sheegeen sababay shilal badan oo dad ay dhaawacyo xoogan kusoo gaareen. Kala bar dadka shilalka ku galay baskiiladan ayaa ah dad cabsan ama adeegsaday maandooriye.

Dhakhaatiir badan oo ka howlgala isbitaalada Oslo ayaa isbuucii hore soo saaray codsi ay ku dalbanayaan in la mamnuuco adeegsiga baaskiiladan ee xiligan habeenkii, maadaama ay isbitaalada Oslo buux dhaafiyeen dad ku dhaawacmay shilal uu sababay baaskiilkaas oo hada caan ka noqday magaalada Oslo iyo magaalooyinka waaweyn ee Norway.

Xigasho/kilde: Her er de nye reglene for elsparkesykler i Oslo – forbyr utleie på natten.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x