lørdag, april 27, 2024

Nin qoys soomaali ah dhibaateeyay oo lagu xukumay xabsi iyo magdhow.

Maxkamada Østre innlandet ee dalkan Norway ayaa 120 maalmood oo xabsi ah ku xukuntay odey Norwiiji ah oo lagu helay danbi inuu u hanjabay, dhibaatana u geystay qoys soomaali ah oo ay daris ku ahaayeen magaalada Elverum. Odeygan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag magdhow ah oo gaareyso 40.000 kr.

Labo wiil oo uu odeygan la xukumay dhalay oo ku eedeysnaa inay danbiga qeyb ka ahaayeen ayaa lagu xukumay 30 iyo 60 maalmood oo xabsi uu shuruud ku xirantahay ah. Taas oo ka dhigan in xabsi aysan gali doonin, hadii sadexda sano oo soo socdo aysan galin wax danbi ah oo cusub.

Odeyga la xukumay ayaa racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada, wuxuuna isagu aaminsanyahay in kiiska kala dhaxeeyay qoyska soomaalida ahaa uu ahaa mid ku saleysan khilaaf darisnimo, oo aan wax xiriir ah la laheyn cunsurinimo iyo faquuqis.

Xigasho/kilde: Far og sønner dømt for vold og trusler mot norsk-somalisk familie.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x