lørdag, april 27, 2024

Booliska Norway oo maalmahan hubka Wadan doono: 2 sabab awgood

Ciidanka booliska Norway ayaa maalmahan soo socdo lagu arki doonaa wadooyinka magaalooyinka dalkan Iyo goobaha ay dadku isugu imaadaan, iyaga oo wato hub muuqdo.

Booliska ayaa sheegay Ina hubka u qaadan doonaan si ay u xaqiijiyaan xusitaanka labo munaasabadood oo muhiim ah Kuwaas oo kala ah:

Maalinta ciidul Adxa oo nagu soo aadan isbuuca danbe iyo maalinta 22-ka Luulyo oo xus weyn loo sameyn doono toban(10) guuradii kasoo wareegtay maalintii uu xasuuqa ka dhacay Jaziiradda Utøya iyo aqalka xukuumada Norway.

Booliska ayaa sheegay inay wax havis ah oo muuqato oo ay boolisku ka hortagi doonaan, balse ay rabaan inay xaqiijiyaan in labadaas munaasabadood oo waaweyn ay ku dhacdo si xasiloon oo amni ah. Sidaas darteed ay boolisku hub qaadan doonaan laga bilaabo 19-ka Ilaa 23-ka bishan Luulyo(Juli).

Xigasho/kilde: Midlertidig bevæpning for politiet i forbindelse med 22. juli.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x