Denmark oo shuruudihii ugu adkaa abid kusoo rogtay dadka codsanayo baasaboorka Denmark.

0
214

Xisbiga Socialdemokratiet ee ay hogaamiso reysulwasaaraha dalka Denmark, Mette Frederiksen ayaa isbuucan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan adkeynta shuruudaha qaadashada dhalashada Denmark la galay sadexda xisbi ee kala ah Venstre, Liberal Alliance iyo De Konservative. Afartan xisbi ayaa wadar ahaan aqlibiyad buuxdo ku leh golaha shacabka Denmark.

Heshiiska ay galeen sadexda xisbi ayaa ku saabsan in shuruudo adag oo aan horey loo maqal lagu soo rogo dadka ajaaniibta ah ee raba inay qaataan baasaboorka Denmark. Shuruudaha heshiiska ay xisbiyadan ka ansixiyeen baarlamaanka Denmark , ayaa waxaa kamid ah in qofka raba inuu codsado baasaboorka Denmark uu:

  • Shaqeynayay Sadex(3) sano iyo lix(6) kamid ah afartii(4) ee ugu danbeeyay.
  • Inuusan haba yaraadee waligiis gudaha Denmark ku galin wax danbi ah oo ciqaab uu ku muteystay. Ciqaabtaas ha noqoto mid shuruudeysan(Betinget) ama mid aan shuruud ku xirneyn(Ubetinget).
  • Inaysan dowladu ku laheyn wax deyn ah ama uu bixin waayay lacag deyn ah oo hey´addaha dowladu ay ku leeyihiin.
  • Iyo inuu ku baaso imtixaan lagu ogaanayo aqoontiisa luuqada Denmark, sidoo kale taariikhda hidaha iyo waxyaabaha qayimka ah ee bulshada dalkaas ay weyneeyaan.

Denmark ayaa xiligan noqonayo dalka ugu adag ee qof ajnabi ah oo dhalasho ka qaadan karo, marka loo fiiriyo shuruudahan cusub ee lasoo rogay, sida uu wargeyska Jyllands-posten u sheegay Eva Ersbøll oo katirsan machadka xuquuqul insaanka Copangen.

Xisbiga bidixda oo soo rogay siyaasad ka adag xisbiyadii xagjirka:

Arinta hadal heynta ugu badan sababtay ayaa ah in reysulwasaaraha Denmark ee xiligan talada heysa Mette Frederiksen ay katirsantahay xisbiga Socialdemokratiet oo lagu tirin jiray xisbiyada bidixda ee siyaasada Denmark. Mette ayaa hada u eg mid soo minguurineysa(kopi) siyaasadii ajaaniibta ee xisbiyada midigta fog, si ay cod uga hesho taageerayaasha midigta ee siyaasada Denmark.

Arrinta kale ee iyadna la hadalka hayo ayaa ah in wasiirka soo galootiga Denmark, Mattias Tesfaye uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Ethiopia, waxaana iska dhalay aabe Ethiopian ah iyo hooyo Danish. Tesfaye ayaa intii uu wasiirka noqon kamid ahaa dadka aad ugu dhaq-dhaqaaqa arrimaha qoxootiga, kana soo horjeedo siyaasada xisbiga midigta. Balse isaga iyo xisbigiisa ayaa hada soo koobiyeystay siyaasadii ay shaley la dagaalami jireen.

Dowlada Denmark ayaa dhanka kale isbuucan amartay in qoxootiga reer Siiiriya ay xiligan ku noqon karaan dalkoodii hooyo, maadaama xaalada amni ee dalkaas, gaar ahaan magaalada Dimishiq ay soo fiicnaatay. Sidaas darteedna aysan magangalyo rasmi ah ka heli doonin dowlada Denmark.

Qaramada midoobay iyo hey´addaha qoxootiga ayaa Denmark aad ugu eedeeyay celinta qoxootiga Siiriyaanka ah.

Xigasho/kilde: Flertal strammer reglerne for dansk statsborgerskab.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments