fredag, april 26, 2024

Tifaftiraha wararka wargeyska Aftenposten oo raali-galin siiyay siyaasi dhalinyaro soomaali ah.

Tifaftiraha wararka ee wargeyska Aftenposten Henning Carr Ekroll ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitterka raali-galin ku siisay Fawzi Warsame oo ah siyaasi dhalinyaro soomaali ah oo katirsan golaha deegaanka ee Oslo. Raali-galintan ayaa timid kadib markii wargeysku uu si qaldan u adeegsaday sawirka Fawsi iyo siyaasi kale oo soomaali ah, mar uu ka hadlayay safarka ay dadka ajaaniibta ah sameeyeen xiliyada fasaxa Påskaha.

Fawzi ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray qoraal wargeyska ugu sheegayo ugu sheegayo in sawirkiisa aan loo adeegsan karin qoraal aan isaga khuseynin, uuna dalbanayo in wajigiisa aan tusaale looga dhigi karin qoraal ajaaniibta lagu durayo.

Tifaftiraha wargeyska Aftenposten ayaa isla markiiba kasoo jawaabay qoraalka Fawzi, wuxuuna raaligalin ka bixiyay adeegsiga sawirkaas oo uu sheegay in sida ugu dhaqsaha bada looga saari doono qoraalka la raaciyay. Wuxuuna raaciyay inuu qaatay canaanta Fawzi, uuna bixinayo qaadanayo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x