fredag, april 26, 2024

Frp: Ajaaniibta halaga joojiyo lacagta hawl-gabka(Pensjon)

Xisbiga Frp ayaa intii ay katirsanaayeen xukuumada reysulwasaare Erna Solberg ku guuleystay inay joojiyaan ama jaraan taageerayaal dhaqaale oo dadka ajaaniibta loogu qoondeeyay. Waxeyna ku guuleysteen inay soo rogaan shuruuc aad u adag oo ka dhan dadka soo galootiga ah.

Erlend Wiborg oo ah madaxa gudiga shaqada iyo arrimaha bulshada ee xisbiga Frp, ayaa wargeyska Aftenposten u sheegay in xisbigiisu uu hadana rabo in lacagta hawlgabka ah laga joojiyo dadka ajaaniibta ah ee aan buuxin shuruudaha lacagta hawlgabka ee dadka Norwiijiga ah lagu xiro.

40 sano waa inaad shaqeysaa, si aad hawlgab u hesho:

Caadi ahaan, si uu qofku xaq ugu helo qaadashada lacagta hawlgabka, waxaa waajib ah inuu Norway degenaa 40 sano, kahor inta uusan buuxin da´da 67 sano, uuna lahaa dakhli shaqo(hadii uu caafimaad qabay). Balse dadka ajaaniibta ah ee Norway soo gala iyaga oo da´ahaan waaweyn, ayaan fursad u helin inay buuxiyaan shardigaas, waxeyna dowladu u sameysay tixgalin gaar ah. Waxaana loo ogolaaday inay la siiyo lacag taageero ah oo u dhiginta lacagta ay qaataan dadka hawlgabka noqday ee Norwiijiga ah.

Frp ayaa aaminsan in tixgalintaas gaarka ah ee loo sameeyo ay tahay cadaalad daro, ayna muhiim tahay si isku mid ah loola dhaqmo dadka ajaaniibta ah ee iyo dadka wadanka u dhashay ee sanado noloshooda kamid ah ku noolaa dalal kale.

Erlend Wiborg oo Frp katirsan ayaa sheegay in xisbigiisu uu rabo in lacagta hawlgabka ah laga joojiyo ajaaniibta aan buuxin shuruuda 40-ka sano, taas badalkeedana ay codsadaan lacagta ceyrta ama kaalmada, ayna galaan safka dheer ee xafiiska NAV.

Farqiga u dhaxeeyo lacagta ceyrta ah iyo mida hawlgabka, ayaa ah in mida hawlgabka ah ay tahay mid qofka u socoto bil walba, shuruudo adagna aan lagu xirin qofka, uuna u noolaan karo si xor ah. Balse lacagta ceyrta ah ee la siiyo dadka hawlgabka ah, ayaa ah mid uu qofku sanadkiiba mar soo codsado, soona buuxiyo waraaqo(dokumentiyo) badan. Sidoo kale hadii uu qofku sadex bilood ka maqnaado wadanka, wuxuu luminayaa xuquuqda helista lacagtaas.

Xigasho/kilde: Frp mener eldre innvandrere kan oppsøke sosialkontoret.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x