lørdag, april 27, 2024

Sawiro xubintiisa taranka ah ayuu gabar da´yar ah u diray: 6 bilood oo xabsi ah.

Maxkamada Nedre Telemark ee gobolka Telemar ayaa nin labaatameeyo jir ah ku xukuntay 6 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu sawiro xubintiisa Taranka uu ka qaaday uu diray gabar da´yar ah ama aan qaargaar aheyn.

Ninkan ayaa mudadii u dhaxeysay Xagaagii 2017 ilaa 2019 sawiro gaaraya 90 sawir oo uu ka qaaday xubintiisa taranka baraha bulshada ugu diray gabadhan oo xiligaas aheyd 14 sano jir aheyd. Wuxuuna maxkamada horteeda ka qirtay danbiga lagu soo eedeeyay.

Ninkan ayaa sheegay in gabadhan ay iska bartee, kuna wada sheekeysan jireen baraha bulshada. Markii uu weydiiyay inay sawirada dhibsaneyso ama rabtana, aysan siin jawaab haa ama maya ah.

Gabadha ayaa dhankeeda sheegtay inay aad u dhibsatay sawirada uu ninkan usoo diri jiray.

Wargeyska Telemarkavisa ayaa qorayo in in ninkan laba mar oo hore loo xukumay danbiyo la xiriira isla arintan hada lagu xukumay oo ah inuu sawiro anshax-xumo ah uu baraha bulshada u mariyo gabdho da´yar ah.

Maxkamada ayaa xukunkeeda ku sheegtay inay codsaneyso in ninkan loo fidiyo gacan caawin ah, si uu isaga daayo dhaqanka anshax-xumada ah ee dhowr marka loo xukumay.

Xigasho/kilde: Mann dømt til fengsel for å ha sendt bilder av eget kjønnsorgan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x