fredag, april 26, 2024

Oslo: Haweeneydii Tawfiiq qaniinyada farta uga goysay haweeneyda kale, oo maxkamad beri lasoo taagi doono.

Maalinta beri ah ee Talaadada, waxaa maxkamada Oslo lasoo taagi doonaa haweenay 52-sano jir soomaali ah, taas oo ku eedeysan inay qeybta kore ee faryarada qaniinyo uga goysay haweenay kale oo soomaali ah. Haweeneyda la dhaawacay ee dhibanaha ah ayaa da´deeda lagu sheegay 30-meeyo jir.

Dhacdadan ayaa 7-da bishii February ka dhacday masaajidka soomaalida ee Tawfiiq. Waxaana goobta uu falkaas ka dhacay tagay boolis aad u badan, kuwaas oo markii danbe warbaahinta u sheegay inay u tageen haweeneydan dhibanaha ah oo miyir beeshay, dhiig badana uu ka baxayo. Iyaga oo sheegay inay cabaar raadinayeen inay helaan qeybta kore ee farta qaniinyada looga gooyay haweeneyda la dhaawacay, oo markaas miyirkeedu uu maqnaa, kahor inta aan la geyn isbitaalka gargaarka deg-dega ah.

Xeer ilaalinta booliska ee kiiska dacwada ah kusoo oogeysa haweeneydan 52-sano jirka eedeysanaha ah, ayaa sheegay inay kusoo oogi doonaan kiis la xiriira inay geysatay dhaawac jireed oo daran, kaas oo ah sababi karay dhaawac aan laga soo kaban karin, ama sababi karin inuu qofku naafo aan shaqeyn karin uu noqdo.

Eedeynta booliska kuma cada xiriirka ka dhaxeeyo labada qof ee soomaalida ah, balse NorSom News ayaa maalinta ay dhacdadan dhacday xaqiijisay in labadan qof ee dumarka soomaalid ah ay ka dhaxeysay arrin qoys oo hoose.

Xigasho/kilde: Kvinne bet av fingeren til kvinne i moské, må stille på tiltalebenken tirsdag.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x