fredag, april 26, 2024

142 kamid ah laanta booliska ee ajaaniibta oo shaqadii laga fariisiyay.

142 qof oo kamid ah shaqaalaha laanta booliska Norway u qaabilsan arrimaha ajaaniibta(PU, Politiets utlendingsenhet) ayaa shaqadii laga fariisiya, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baaxay booliska Norway.

Arrintan ayaa lagu sababeeyay inay yaraatay shaqooyinkii ay qaban jireen xubnaha booliska ee laantan ka howlgala, waxaana yaraatay baahida loo qabo. Waxaana arrintaas loo sababeyn karaa hoos u dhaca ku yimid tirada dadka magangalyo doonka ah oo aad hoos ugu dhacday dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

Shaqada ugu badan ee laantan katirsan booliska Norway, ayaa la xiriirta tarxiilka dadka wadanka ku joogo sharci la aanta, dabagalka arrimaha la xiriira aqoonsiga dadka soo galootiga ah iyo danbiyada la xiriira dadka soo galootiga ah.

65 kamid ah shaqaalaha shaqada laga fariisiyay ayaa ahaa dad shibil ah(aan boolis aheyn), waxeyna doorteen inay shaqada ka tagaan gabi ahaanba. Halka 77 kamid ah dadka shaqada laga fariisiyay ayaa loo wareejiyay laamaha kale ee booliska Norway.

Xigasho/kilde: 142 ansatte har sluttet i Politiets utlendingsenhet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x