fredag, april 26, 2024

Wasiirkan oo noqotay gudoomiyaha Venstre. Raja oo boos 3-aad helay.

Gudiga doorashada xisbiga Venstre oo kamid ah sadexda xisbi ee ku mideysan xukuumada Erna Solberg, ayaa soo gaba-gabeeyay xulista hogaanka xisbigaas oo tartan adag uu kaga dhaxeeyay sadex wasiir oo kamid ah xukuumada Solberg.

Gudiga oo shaley duhurkii shir jaraa´id qabtay ayaa soo bandhigay in la isku raacay in gudoomiyaha xisbiga Venstre ay noqoto wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka, Guri Melby. Melby oo maalmo kooban kahor soo bandhigtay damaceeda ku aadan qabashada xilka gudoomiye ee xisbiga Venstre.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa soo galay wasiirka cimilada iyo deegaanka Sveinung Rotevatn, halka gudoomiye ku xigeenka 2-aad loo doortay Abid Raja oo ah wasiirka dhaqanka.

Raja oo rajo xoogan ka qabay qabashada xilkaas, dagaal adagna u galay ayaa ugu danbeyn hada iimaansan doono xilka 3-aad ee xisbiga ee Venstre.

Xigasho/kilde: Guri Melby innstilt som ny partileder.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x