torsdag, april 25, 2024

Wasiir Raja: Ma noqon doonaa ajnabigii ugu horeeyay ee gudoomiye xisbi noqda

Wasiiradda waxbarashada iyo isdhexgalka Norway, Guri Melby, ayaa maanta sheegtay inay isku sharaxeyso tartanka adag ee xubno xisbigeeda katirsan ay ugu jiraan qabashada xilka gudoomiyaha xisbiga Venstre oo ah xisbiga ugu da´da weyn xisbiyada Norway.

Horey waxaa qabashada xilka gudoomiyaha xisbiga u sharaxnaa wasiirka dhaqanka, Abid Raja, iyo Sveinung Rotevatn oo ah wasiirka deegaanka iyo cimilada.

Booska gudoomiyaha xisbiga Venstre ayaa ahaa mid banaanaa, kadib markii bishii Maarso ee sanadkan ay is casishay gudoomiyihii hore ee xisbigaas Trine Skei Grande. Waxaana hada uu qabashada xilka gudoomiyaha uu ka dhaxeeyaa sadexda wasiir oo sadexduba ah siyaasiyiinta ugu saameyn badan xisbiga Venstre oo kamid ah xisbiyada dowlada.

Abid Raja oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan, ayaa sida ay warbaahintu qoreyso ah qofka ugu cad-cad qabashda xilka gudoomiyaha xisbiga Venstre. Hadii uu xilkaas ku guuleystana, wuxuu noqon doonaa qofkii ajnabi ah ee ugu horeeyay ee abid gudoomiye ka noqdo Norway.

Xigasho/kilde: Guri Melby bekrefter: Vil bli Venstre-leder.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x