fredag, april 26, 2024

Oslo: Soomaali dad xabadeeyay oo maxkamad lasoo taagi doono.

Kowda bisha soo socoto ee September, waxaa maxkamada racfaanka magaalada Oslo ka bilaaban doonto dhageysiga dacwada racfaanka nin 33-sano soomaali ah, oo horey maxkamada darajada koowaad ee Oslo ay ugu xukuntay 11 sano oo xabsi ah. Kadib markii lagu helay danbi la xiriira inuu dhaawac loo adeegsaday xabad iyo mindi uu u geystay sadex qof.

Ninkan ayaa ku eedeysan danbi la xiriira iskudayga dil ee sadex qof. Labo kamid ah dadka la dhaawacay ayaa waxaa lagu dhuftay xabad, halka kan sadexaadna mindi lagu dhaawacay. Falkan ayaa ka dhacay goobta lagu caweeyo Crystal Club ee magaalada Oslo, 5-tii bishii Luulyo sanadkii 2012.

Ninkan ayaa xukunka 11-ka sano ah ee maxkamada koowaad ee Oslo ka qaatay racfaan, wuxuuna intaas kadib ka tagay Norway. Booliska Norway ayaa macluumaadka ninkan la qeybsaday boolisyada kale ee caalamka, iyaga oo ku raad-joogay soo qabashadiisa.

Lix sano kadib markii la xukumay, sanadkii 2018 ayuu ninkan kasoo tagay magaalada Oslo, waxaana garoonka diyaaradaha ku qabtay booliska oo sugayay.

Qareenkii hore ee ninkan ayaa xiligaas warbaahinta u sheegay in ninkan uu xiriir la lahaa booliska, isaguna uu si iskiis ah oo aan la qasbin uu ugu soo noqday Norway. Wuxuuna raaciyay inuu ku sugnaa Soomaaliya, markii danbe uu Norway kasoo galay dhanka Dubai.

Ninkan soomaaliga oo da´diisa lagu sheegay 33-sano jir, ayaa qirtay arinta lagu soo eedeeyay, balse wuxuu sheegay inuu ku jiray is difaacis, uusana markaas isagu rabin inuu wax dilo.

Sidoo kale waxaa ninkan lagu eedeeyay heysashada 48 gram oo daroogada Herionka- ah.

Maxkamada Oslo ayaa dhageysiga dacwada ninkan u qorsheysay 8 maalmood oo xiriir ah.

Xigasho/kilde: TV2: Mann tiltalt for tre drapsforsøk.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x