fredag, april 26, 2024

Hooyooyinka Oslo: Masaajidkii aan dahabkeena u furnay, ayaa shaley boolis naloogu wacday.

Waxaa shaley masaajidka soomaalida Oslo Ee Tawfiiq ka dhacday mid kamid ah dhacdooyinkii ugu foosha xumaa ee abid ka dhaca bulshada soomaaalida ah ee Oslo, kadib markii dad soomaali ah oo isku heysta maamulka masaajidka ay isku dhex qabsadeen gudaha masaajidka. Taas oo keentay in boolis uu arinta soo dhex galo, uuna banaanka masaajidka u saaro dad gaaaraya 20-meeyo qof gaarayo, halka banaanka masaajidka ay boolisku ku celiyeen ilaa 200 qof oo rabay inay gudaha soo galaan.

Dadka ay boolisku celiyeen ayaa ahaa dadkii kasoo horjeeday shirka maaamulka kumeel gaarka ah ee masaajidka ay iclaamiyeen. Waxeyna sheegeen inay dadkaas banaanka masaajidka ugu celiyeen, si looga badbaado in gudaha masaajidka la isla soo galo oo gacanta ay Soomaalidu iskula tagaaan.

Ujeedka ugu weyn ee maanta loo qabtay shirkii uu ka dhashay buuqa, ayaa ahaa in dowlada loo gudbiyo Xeer ay xubnaha masaajidka isku waafaqsanyihiin, si masaajidka loogu soo daayo dhaqaalihii looga xanibay khilaafka awgiis.

Dumar iyo hooyooyin loo diiday inay galaan:

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dad goob-joog ahaa, waxaa shaley la xiray qeybta dumarka ee masaajidka. Iyada oo dumar 50-meeyo gaarayo oo rabay inay codkooda dhibtaan lagu celiyay Albaabka hore Ee masaajidka.

Iyada oo qaar kamid ah dumarkaas ay noo sheegeen in markii danbe ay boolisku kala celinayay guruubyada is heysta ah ku wargaliyeen inaysan soo galin masaajidka.

Qaar kamid ah hooyooyinka ay NorSom News la hadashay( Muuqaalka waan soo galin doonaa), ayaa noo sheegay inay kamid ahaayeen dumarkii dahabkooda u furay, si loogu dhiso masaajidka Tawfiiq. Ayna ujeedkoodu uu ahaa inay helaan xarun cibaado oo caruurtooda ay ku bartaan diinta islaamka iyo dhaqanka Suuban Ee Soomaalinimada. Balse ay la yaab ku noqotay in shaley masaajidkii ay dahabkoodu u fureen albaabkiisa lagu celiyo, iyada oo boolis loo adeegsanayo.

Hooyooyinkan ayaa sheegay inaysan taageersaneyn ama kala jecleyn labada guruub ee is heysta midkoodna, Balse ay rabaan in labada guruub meesha isaga tagaan, oo maamulka masaajidka lagu wareejiyo dhalinyarada Soomaalida ah ee wadankan ku bartay, kana caafimaad xanuunka qabyaalada ee asalka u ah khilaafka hada ka taagan maamulka masaajidka.

Balse waxay sheegeen in marka ay keenaan aragti iyo dalab ku saabsan maamulka masaajidka, aysan jawaab toos ah helin. Balse loo sheego inay yihiin reer hebel ama ay u dhaxaan( u ilmo dhaleen) hebel oo reer hebel ah, sidaas darteed aan warkooda wax weyn laga soo qaadin.

Hoooyooyinka iyo Dumarka kale ee ku xiran masaajidka ayaa sheegay inay dhawaan qabsan doonaan shir u gooni ah dumarka ay caruurtooda masaajidka dhigtaan, iyaga oo sameysan doono gudi hooyooyin ah oo la xiriira hey’ addaha dowlada iyo Gobolka Oslo, si masaajidka looga badbaadiyo khilaafka hareeyay mudada labada sano ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x