fredag, april 26, 2024

Grønland: Taksiile soomaali ah oo buuq ka kiciyay suuqa Grønland.

Nin soomaali ah oo kamid ah shaqaalaha takaasida magaalada Oslo, ayaa galabta buuq sababay in boolis loo yeero ka sameeyay xaafada ay ajaaniibtu ku badantahay ee Grønland. Taksiilahan oo ku labisnaa dharka shaqada, ayaa sida ay noo sheegeen dad goobjoog ah aad ugu qeylinayay ereyo xanaf leh oo la wada maqli karay, isaga oo marba la murmayay dhowr qof oo kamid ahaa dadka wadada marayay, oo aysan aqoon ama xiriir hore ka dhexeynin.

Dad badan oo soomaali, ajnabi kale iyo cadaanba isku jiro oo maqlay qeylada taksiilahan ayaa isugu soo xoomay meesha ay baabuurkiisa dhigtay oo aheyd boosteejada tagaasida ee Grønland. Isku soo uruurka dadka ee ka dhalatay ficilada ninkan soomaaliga ah ayaa sababay inay xiranto qeybo kamid ah wadada weyn ee dhexmarta xaafada Grønland, waxaana markii danbe la wacay booliska oo goobta soo gaaray daqiiqado kadib.

Booliska ayaa in cabaar ah la hadlayay ninkan, iyaga oo isku dayay inay dajiyaan ama ay la hadlaan, weydiiyaana su´aalo dhowr ah. Balse ninkan ayaa ku qeylinayay ereyo ad- adag oo Af Norwiiji ah, waxaana kamid ahaa «Fuck Norway, Usaama hasoo noolaado, Waxaan ka imid dalka aduunka ugu qanisan ee Soomaaliya, ma waxaad mooday inaan gaajo ahay, wadankaaga xunka ah waan kaaga tagayaa ee iga fagow».

Booliska ayaa markii danbe amray in ninkan uu soo raaco, waxeyna ku kaxeeyeen baabuurkooda. Iyaga oo dadkii badnaa ee dhageysanayay qeyladiisa inay kala tagaan, si aysan u xanibin isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Lama xaalada ninkan iyo waxa sabab u ah inuu arintan sameeyo, sidoo kale boolisku war kama soo saarin dhacdadan galabta ka dhacday xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Grønland.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x