fredag, april 26, 2024

Dowlada oo ka farxisay dadkii shaqada laga fariiyay. 25 isbuuc — 52 isbuuc.

Dowlada Norway ayaa shaley go´aamisay in mudada qofka shaqada laga fariisin karo, isaga oo lacagtiisa mushaarka qeyb ahaan u qaadanayo(Dagpenger), laga badalo 26 isbuuc (lix bilood), lagana dhigo 52 isbuuc( Hal sano).

Go´aankan ayaa ah mid farxad galinayo ilaa 200.000 qof oo shaqooyinka laga fariisiyay Corona awgiis, kuwaas oo aan wali ku noqon shaqooyinkoodii, ayna mar dhow ka dhamaan laheyd mudadii ay xaqa u lahaayeen mushaar-helista shaqo ka fariisinta.

Qofka shaqada laga fariisiyay ayaa xaq u leh inuu gurigiisa ku qaato lacag «dagpenger» ah oo u dhiginta 62,4 % mushaarkii uu shaqeeyay 12-kii bilood ee ugu danbeeyay ama

Ujeedada ugu weyn ee dowlada ee arintan ayaa ah in laga badbaado in shirkado badan oo aan awood aheyn in shaqaalihii ay guryaha u direen kusoo celiyaan shaqada, laga badbaadiyo inay suuqa ka baxaan(konkurs).

Xigasho/kilde: Utvider permitteringsperioden til 52 uker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x